HOR DHAC: Atletico Madrid Vs. Bayern Munich

dave

(Madrid) 28 sebt 2016. Atletico Madrid waxa ay soo dhawyn doontaa Bayern Munich kulankooda labaad ee Group-ka ay ku wada jiraan.

Bayern waxa ay dooneysaa in ay ka aar gudato Atleti oo ku reebtay afar dhamaadka Champions League kal hore.

WARARKA LABADA NAADI

-Ujeedada waxa ay ahayd in la nasiyo Gabi iyo Gameiro toddobaadkan lakiin labaduba keydka ayey ka soo galeen kulankii Deportivo si ay Atleti uga caawiyeen guul 1-0 ah.

– Saul Niguez and Stevan Savic iyaga safkaba laguma soo darin ciyaartii Deportivo.

-Saul waxa uu ka dheeli doona midkood labada garab, laakiin Yannick Carrasco ama Nico Gaitan ayaa midkood badali kara Gimenez kaas oo la maqnaan doona Augusto Fernandez.

-Iyada oo ay taam ahaanshaha ku soo laabanayaan Jerome Boateng and Arjen Robben kooxda Ancelotti ee Bayern quwad ayey la ciir ciireysaa.

-Hase ahaatee, Mats Hummels waxa uu jug uga baxay kulankii asbuucan ee HSV marka laga yimaado in ku raja weyn yahay dheelidda bartamaha asbuucan hadana halis loolama bareeri karayo.

– Vidal, Alonso and Ribery dhamaan iyaga kulanka horyaalka waa la dhigtay weyna soo laaban doonaan walow heer ciyaareedka da’yarka Joshua Kimmich ay ka dhignaan doonto in uu dheelo.

 

LA SOCO….

-Bayern Munich lagama badin 9 ka mida 10-kii kulan ee ugu dambeeyey Champions League.

-Atleti waxa ay Bayern Muncih ku reebtay afar dhammaadka Champions League xilli ciyaareedkii hore.

-Atleti waxa ay timi laba jeer fiinaalaha Champions League saddexdii olole ee ugu dambeeyey.

-Bayern Munich saddexddii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay waxa ay ku hareen afar dhamaadka Champions League.

-Ancelotti oo hogaaminaya Bayern hada waxa uu ku guuleystay Champions League markii ugu dambeeysay 2014, xilli uu Bayern 5-0 isku darka goolasha uga reebay afar dhamaadka Champions League kahor inta uusan Real Madrid u horseedin La Decima.

SAFAFKA LA FILI KARO

bayern

Gegida: Vicent Calderom

Saacadda Geeska Africa: 9:45Pm

Dhex dhexaadiyaha: Szymon Marciniak

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close