Zlatan Ibrahimovic oo seegi doona kulanka Europa League ee Zorya Luhansk (Ogoow sababta)

(Manchester) 27 Sebt 2016 Weerar yahanka kooxda Man United Zlatan Ibrahimovic ayaa la soo sheegayaa inuu seegi doono kulanka kooxdiisu ay laciyaari doonto kooxda reer Ukarine ee Zorya Luhansk.

Sida ay baahisay Mirror, tababare Jose Mourinho ayaa fasax gaaban siiyay laacibka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic kadib qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee kulankii Leicester City.

Zlatan ayaa isniintii u duulay magaalada Milan ee dalka talyaaniga, waxaana xalay lagu arkay maqaayada Finger’s Garden xili uu halkaas kula cashaynayay saaxiibkiisii hore ee Clarence Seedorf.

Dhanka kale Henrikh Mkhitaryan ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Man United ka hor kulanka Europa League ay kooxdu marti qaadi doonto kooxda Zorya Luhansk sida laga soo xigtay Manchester Evening News.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close