Waan diidey Inter & Juve waayo AC Milan baan taageeraa!” – Gabriel Jesus

(Milano) 27 Sebt 2016 – Gabriel Jesus ayaa xaqjiiyey “Inuu Inter iyo Juventus” iska diidey maxaa yeelay buu yiri “Waxaan ahay taageere Milan!”

Weerarkan reer Brazil ayaa lala xiriirinayay inuu xagaagii ku biiro horyaalka Serie A-da Talyaaniga, yeelkeede waa kii markii dambe guddoonsadey inuu ku biiro kooxda Pep Guardiola ee Manchester City.

“Go’aan sahlan ma ahayn, lkn waloow aan shakhsiyan u aqoonin misna wuu isoo wacay wuxuuna i siiyay damaanad ku aaddan qorshihiisa. Maya ayaan ku iri Inter iyo Juve, waana dhab waayo waxaan ahay taageere Milan ah!” ayuu Gabriel Jesus u sheegay barnaamijrka ka baxa Gazzetta dello Sport ee Extra Time isagoo dhanka kale sheegay in ay jiraan laacibiin uu sare u eego sida [Gigi] Buffon, [Francesco] Totti iyo Ronaldo.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close