Sidee loo kala hoggaaminayaa gooldhalinta horyaalka La Liga ee Waddanka Spain?

collage2-large_transqvzuuqpflyliwib6ntmjwfsvwez_ven7c6bhu2jjnt8

(Madrid) 27 Sebt 2016 – Kulamadii Lixaad ee horyaalka La Liga ayaa la ciyaaray, waxaana haatan hoggaanka u haya gooldhalinta horyaalka Spain weeraryahanka kooxda Barcelona ee Luis Suárez kaasoo 5 gool la wadaaga Antoine Griezmann oo ka tirsan Atletico Madrid, laakiin Suarez sababta uu hoggaanka u qabtay ayaa ah inuu ka caawin badan yahay Griezmann.

Weeraryahanka Barcelona ee Lionel Messi, xiddiga Rubén Castro ee ka tirsan Real Betis, Nicola Sansone oo safta kooxda Villarreal iyo ciyaaryahanka naadiga Espanyol ee Gerard Moreno ayaa ku wada jira kaalinta labaad ee gooldhalinta horyaalka La Ligaha Spain lix kulan oo la ciyaaray, waxaana ay wada leeyihiin min 4 gool.

Xiddigo dhowr ah oo ay ku jiraan laacibka kooxda Real Sociedad ee Willian José iyo weeraryahanka kooxda Barcelona ee Neymar Jr ayaa iyaguna wadaa min 3 gool.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 10-ka ciyaaryahan ee ugu sarreeya haatan gooldhalinta horyaalka La Ligaha Spain:-

Luis Suárez (Barcelona) – 5 gool

Antoine Griezmann (Atletico Madrid) – 5 gool

Lionel Messi (Barcelona) – 4 gool

Rubén Castro (Real Betis) – 4 gool

Nicola Sansone (Villarreal) – 4 gool

Gerard Moreno (Espanyol) – 4 gool

Willian José (Real Sociedad) – 3 gool

Neymar (Barcelona) – 3 gool

Duje Cop (Sporting Gijón) – 3 gool

Tana (Las Palmas) – 3 gool

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close