Kumaa hoggaaminaya gooldhalinta horyaalka Serie A ee Waddanka Talyaaniga?

carlos-bacca

(Milano) 27 Sebt 2016 – Kulamadii Lixaad ee horyaalka Serie A ayaa la ciyaaray, waxaana haatan hoggaanka u haya gooldhalinta horyaalka Talyaaniga weeraryahanka reer Argentina ahna kabtanka kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi, kaasoo lix kulan oo uu ciyaaray dhaliyey 6 gool.

José Callejón oo ka tirsan kooxda Napoli, laacibka Andrea Belotti oo u safta naadiga Torino iyo Carlos Bacca oo Milan ka tirsan ayaa ku wada jira kaalinta labaad ee gooldhalinta horyaalka Serie A lix kulan oo la ciyaaray waxaana ay wada leeyihiin min 5 gool.

Xiddigo dhowr ah oo ay ku jiraan laacibka kooxda Roma ee Edin Dzeko iyo weeraryahanka kooxda Juventus ee Gonzalo Higuaín ayaa iyaguna wadaaga min afar gool.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 10-ka ciyaaryahan ee ugu sarreeya haatan gooldhalinta horyaalka Serie A:-

Mauro Icardi (Inter Milan) – 6 gool

José Callejón (Napoli) – 5 gool

Andrea Belotti (Torino) – 5 gool

Carlos Bacca (Milan) – 5 gool

Edin Dzeko (Roma) – 4 gool

Franck Kessié (Atalanta) – 4 gool

Gonzalo Higuaín (Juventus) – 4 gool

Arkadiusz Milik (Napoli) – 4 gool

Gregoire Defrel (Sassuolo) – 4 gool

Marco Borriello (Cagliari) – 4 gool

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close