Kevin Gameiro oo sharaxaad ka bixiyay sababtii uu isaga diiday Barcelona

(Madrid) 27 Sebt 2016 Weerar yahanka kooxda Atletico Madrid ee Kevin Gameiro ayaa sharaxaad ka bixiyay sababtii uu isaga diiday ku biirida kooxda Barcelona suuqii xaggaaga.

Barcelona ayaa doonaysay 29 jirkaan reer France laakiin laacibka ayaa 32 milyan oo euro ugu dhaqaaqay kooxda Atletico Madrid.

Gameiro ayaa sheegay in Barcelona ay ku adkaan lahayd inuu boos joogto ah ka helo maadama ay joogaan MSN, wuxuuna intaa ku daray inuu ku haboon yahay qaab ciyaareedka Atletico.

“Waad ogatahay marka kooxdaada ay joogaan MSN inay doonayaan inay ciyaaraan 90-ka daqiiqo, kadib in adigu aad boos u hesho naftaada waa mid aad u adag” ayuu u sheegay Cadena Cope.

“Waxaan rumaysanahay in qaab ciyaareedka Atletico Madrid uu yahay mid igu haboon, Simeone ayaa ila soo xiriiray wuxuuna ii sheegay inuu doonayay Costa balse ay ku adkaatay, aniguna aan ahay mid kamid ah dooqyadiisa”.

“Waan ka duwanahay Costa, Simeone wuxuu ii sheegay inuu i jecelyahay, aniguna waan rumaystay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close