Francesco Totti “mar baan ku sigtay inaan ku biiro Real Madrid”

tmp_18439-totti351508592

(Roma), 27 Sebt. 2016    –Weeraryahanka kooxda Roma Franceco Totti ayaa ka hadlay sida uu hadda ka hor mar ugu sigtay inuu ku biiro kooxda Real Madrid.

Totti oo maanta u dabaaldegay sanadguuradiisii 40-aad ayaa xusay in Qoyskiisa iyo saaxiibadiisa ay kula taliyeen inuusan ku biirin Real Madrid 2003 isla markaana taa beddelkeeda uu sii joogo kooxdiisii uu kusoo hana qaaday ee Roma.

“Aad baan ugu dhowaa inaa inaan Real Madrid ku biiro laakiin kama shalaaymayo inaan fursaddaasi ka faa’iideeysan waayay” ayuu Totti u sheegay ‘sky sports Italia.

“Qalbigayga, qoyskayga iyo saaxiibadeey ayaa igula taliyay inaa sii joogo welina halkaan ayaan joogaa” ayuu sii raaciyay Totti oo isagoo weli 40 jir ah kubada cagta sii ciyaaraya.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close