“Dortmund way garaaci doontaa Real Madrid” – Waxaa sidaas qaba madaxwaynaha Bayern Munich

(Munich) 27 Sebt 2016 Madaxwaynaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Hans Rummenigge ayaa aaminsan in kooxda Borussia Dortmund ay garaaci doonto dhigeeda Real Madrid.

Real Madrid oo aan wax guul ah ku soo gaarin garoonka kooxda Borussia ayaa caawa markale booqan doonta, Rummenigge ayaana rumaysan in Dortmund ay garaaci doonto kooxda reer Spain.

Karl-Hans Rummenigge ayaa sheegay in Dortmund ay kulamo badan garoonkeeda uga adkaatay Real Madrid sidaas darteedna uu filayo in guul daro kale dhabarka loo saari doono kooxda tababare Zidane.

“Waxaan rumaysanahay in Borussia Dortmund ay guulaysan doonto, sida caadiga ah horay ayeey gurigooda ugu garaaceen Real Madrid” ayuu yiri Karl-Hans Rummenigge xili kooxdiisu ay u safraysay magaalada Madrid.

Bayern Munich ayaa habeen dambe u martin doonta kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan wareega guruubyada ee koobka horyaalada yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close