Arsenal oo dalab qaali ah ka gudbisay Pierre-Emerick Aubameyang laakiin…

or

(London) 27 Sebt 2016. Arsenal ayaa dalab 52-milyan oo bound u bandhigtay weeraryanhanka Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang sida ay warineyso saxaafada Spain.

Gunners ayaa adduun dhan 17-milyan oo bound kula soo saxiixatay weeraryahanka Deportivo La Coruna  Lucas Perez wax yar uun ka hor inta uusan xirmin suuqa xagaaga.

Tababare Arsene Wenger ayaa u dhaqaaqay dhanka Perez kaddib markii uu ku guul darreystay inuu soo xero galiyo weeraryahannada Leicester City iyo Lyon Jamie Vardy iyo Alexandre Lacazette.

Laakiin waxay iminka u muuqataa in Wenger uu sidoo kale ku hungoobay saxiixa weeraryahanka reer Gabon kaa oo la warinayay inuu u soo dhaqaaqi doono Premier League.

Website-ka El Confidencial ee dalka Spain ayaa sheeganaya in Arsenal ay dalab dhan 60-milyan oo uero oo u dhiganta (52-milyan oo bound) ka gudbisay Aubameyang.

Laakiin naadiga Dortmund ayaa diiday dalabkaa iyadoona laacibkeeda dul dhigtay 100-milyan oo euro oo u dhiganta (86.7-milyan oo bound).

Chelsea ayaa sidoo kale la warinayaa inay dooneysay Aubameyang balse markii dambe 33-milyan ku soo iibsatay Michy Batshuayi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close