Tottenham oo taageerayaasheeda uga digtay in ay ku soo labistaan funaanadda naadigooda

(London), 26 Sebt, 2016     –Kooxda kubadda Cagta Tottenham ee Waddanka Ingiriiska ayaa taageerayaasheeda uga digtay in ay xirtaan ama ku soo labistaan funaanadda naadigooda kulanka adag ee ay Ruushka kula ciyaari doonaan kooxda CSKA Moscow ee ka tirsan Horyaallada Yurub.

250 taageerayaal Tottenham ah ayaa u safray Ruushka si ay kooxdooda u taageeraan kulankaasi xasaasiga ah, balse waxaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriisku ay uga digeen in ay dhibaato ka imaan karto haddii taageerayaasha Spurs ay ku maraan waddooyinka Maaliyadda kooxdaasi.

Waa is araggii ugu horreeyay ee ay isaga hor yimaadaan taageerayaasha Ingiriiska iyo kuwa Ruushka wixii ka dambeeyay rabshadihii dhiiggu ku daatay ee ka dhacay cayaarihii Qarammada Yurub ee Faransiiska 2016.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close