Kooxda Rajo oo dhib la’aan uga badisay dhigeeda Savaana

(Muqdisho) 26 Sebt 2016.Kooxda Rajo ayaa guul ka gaartay naadiga Savaana ciyaar ka tirsan koobka Janeraal Daa’uud oo galabta ka dhacday garoonka Koonis.

Naadiga uu hoggaamiyo macallimuu Aawdaada ayaa waxaa u ciyaarayay xiddigo horay usoo maray kooxda Dekedda, waxaana ka mid ah xiddiga C/naasir Nuur Naaseey iyo weeraryahanka Maslax kaasoo ka tirsanaa kooxda Dekedda.

Ciyaarta ayaa ku billaabatay si dar dar ah, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0, oo ay ku hoggaamineyso kooxda Rajo, xilli naadiga Savaana ay iska qasaarisay fursado wanaagsan.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta naadiga Rajo ayaa la timid goolkii labaad, iyadoo ugu dambeyn ciyaarta kusoo  dhamaatay 2-0.

Sikastaba kooxda Rajo ayaa noqotay naadigii ugu horeysay ee guul gaarta koobka Janeraal Daa’uud, xilli kullankii furitaanka uu bar baro kusoo dhamaaday .

koob-494x354

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close