Ka hor kulanka Dortmund iyo Real Madrid, macallin Zinedine Zidane oo wax laga waydiiyey khilaafka ka dhexeeya isaga iyo Cristiano Ronaldo

zidane

(Dortmund) 26 Sebt 2016 – Ka hor kulankan habeen dambe ee Champions League ku dhex mari doona kooxaha Borussia Dortmund iyo Real Madrid tababare Zinedine Zidane oo qabtay shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya kulankaas ayaa wax laga waydiiyay khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo xiddiga kooxdiisa ee Cristiano Ronaldo.

Weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa si wayn uga carooday in macallin Zidane uu badal ku saaray kulankii Las Palmas, waxaana jiray buun buunin wayn oo ay saxaafaddu arrintan ka samaysay.

Haddaba Zidane ayaa shirkiisa jaraa’id wax looga waydiiyey arrintan, waxaana uu sheegay in isagu uusan doqon ahayn, isla markaana Ronaldo yahay mid caqli badan.

“Ilaa hadda iyo kaddib caradu waa wax iska caadi ah, ciyaartoyda oo dhan ma faraxsana marka ciyaarta laga soo saaro, aniguna waxaan go’aanka u sameeyay wanaagga ciyaaryahanka” ayuu yiri Zidane.

“Waxaanu kaga dhex hadalnay kooxda kale dhexdeeda, waxaana waajib kugu ah in aad la noolaato, anigu doqon ma ihi, sidoo kale isagu wuu maskax fiican yahay, labadayaduba waxaanu halkan u joognaa wax isku mid ah.” ayuu hadalkiisa ku daray macallinka reer France.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close