Inter oo shaacisay muddada uu garoommada ka maqnaan doono xidiggeeda Joao Mario

600

(Milan), 26 Sebt, 2016     –Kooxda Kubadda Cagta Inter Milan ee Talyaaniga ayaa shaaca ka qaadday in xidiggeeda Khadka Dhexe ee Joao Mario uu dhaawac ka soo gaaray Muruqa bowdada Bidix, waxaana uu garoommada ka maqnaan doonaa muddo u dhexeyso 2 illaa 3 toddobaad, isagoo seegay kulankii ugu dambeeyay ee Inter shalay 1-1 la gashay Bologna.

Ciyaaryahankan khadka dhexe ee xulka Portugal ayaa sidaasi uga maqnaan doona kulanka adag ee ay Inter Axadda la yeelan doonto kooxda Roma ee Horyaalka Talyaaniga, halka sidoo kalena uu seegi doono kulanka isreeb-reebka Koobka Adduunka 2018 ee Portugal la dheeli doonto Andora.

Inter waxa ay ciyaaryahan Joao la soo wareegtay maalmihii ugu dambeeyay suuqii kala iibsiga ciyaartoyda ee bishii la soo dhaafay xirmay iyadoo ku soo qaadatay adduun dhan 45 Milyan oo Euro, waxaana uu kooxda ka saaciday inay gaarto guulo dhowr ah oo muhiim u ahaa.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close