Guardiola oo aan wali ku qanacsanayn qaab ciyaareedka kooxdiisa Man City

web-Pep-Guardiola-on-the-ball-A19U7779

(Manchester) 26 Sebt 2016 Tababaraha kooxda Man city Pep Guardiola ayaa muujiyay in kooxdiisa uu ka doonayo wax intaas ka badan isla markaana uusan ku qanacsanayn qaab ciyaareedkooda haatan.

Man City ayaa wada adkaatay dhamaan 10-kii kulan oo ay ciyaareen balse tababare Guardiola ayaa ka soo horjeestay inuu amaano kooxdiisa.

Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisu aysan wali gaarin heerkii uu isagu ka doonayay, wuxuuna sheegay inay caajis tahay in kooxdu ay heer sare gaarto bilowga xiliciyaareedka.

manchester-city-pep-guardiola-relishing-chance-test-himself-premier-league

“Wali waan ka fognahay heerkii aan doonaynay, waxay ahaan doontaa wax lagu caajiso in kooxdu ay gaarto heerkii ugu sareeyay bilowga xiliciyaareedka” ayuu yiri Guardiola.

“Waxaan halkaan u joognaa inaan hagaajino qaab ciyaareedka kooxda, kubadda cagta ma jirto wax dhamaanaya, inbadan ayaan ku celceliyay inaan ku faraxsanahay wax qabadka kooxda”.

“Dhamaan halkaan waxaa la shaqeeyaa 24 saac, xitaa marka ay guriga joogaan xaasaskoodu waa ay ogyihiin in laga doonayo inay sii wadaan howsha”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close