Arsenal oo war farxad leh ka helaysa dhaawaca Francis Coquelin

Photo published for Arsenal : une blessure moins grave que prévu pour Francis Coquelin

(London) 26 Sebt 2016 Kooxda Arsenal ayaa war farxad leh ka helaysa dhaawaca laacibkeeda Francis Coquelin kaas oo laga saaray kulankii 3-0 ay uga adkaadeen Chelsea sabtigii.

Arsenal ayaa ka cabsi qabtay in Francis Coquelin uu waqti dheer ka maqnaado garoomada, waxaana la sheegay inay suurogaltahay inuu maqnaado 2-bilood.

Balse wargayska ka soo baxa faransiiska ee L’Equipe ayaa baahiyay in dhaawaca Francis Coquelin uusan ahayn sidii loo malaynayay isla markaana uu ka fududyahay.

Wargayska ayaa sheegaya in Coquelin uu u baahanyahay nasiino dhan 15 maalin si uu uga soo kabsado dhaawicii ka soo gaaray jilibka kulankii adkaa ee Chelsea.

Warkaan ayaa niyada u qaboojinaya tababare Wenger maadama xiddiga reer France uu muhiim u yahay qaab ciyaareedka Gunners.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close