MUUQAAL: Ronaldo oo fal aad u xun ku kacay markii xalay laga saaray garoonka (Hadaladii uu dhahay oo la ogaaday)!

(Madrid) 25 Sebt 2016 Sida ay shaacisay Marca, laacibka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ku kacay fal aan fiicnayn xiligii uu ka baxayay garoonka kulankii xalay.

Ronaldo ayaa ka carooday in laga saaro ciyaarta xili ay harsanayd ku dhawaad 20-daqiiqo isaga oo aan gool dhalin, taas ayaana keentay inuu caroodo.

Kaamirooyinka ku xiran garoonka ayaa soo qabtay 3-arin oo Ronaldo uu ku kacay markii tababare Zidane uu ka saaray garoonka kulankii ku soo idlaaday 2-2.

XAALADA KOOWAAD:

Markii la bixinayay wuxuu fiiriyay saacada ku xiran garoonka wuxuuna yiri: “Sidee? waxaa haray 20 daqiiqo, natiijadu waa 2-1, waadna i bixineysa?.

XAALADA LABAAD:

Tababare Zidane ayaa gacanta u soo taagay Ronaldo si uu u salaamo laakiin laacibka reer Portugal ayaa si caro leh u sii dhaafay isaga oo xitaa aan fiirin tababarihiisa.

XAALADA SEDDEXAAD:

Ronaldo ayaa caro iyo qaylo ku wajahay kursiga keydka isaga oo cod dheer ku yiri: “Halkeey fadhiyaan caawiyayaasha Zidane”.

Intaas oo kaliya kuma ekeyn wixii dhacay balse Ronaldo ayaa si caro leh u yiri “Foda-se” oo ah erey Portugues ah micnihiisuna yahay “Fuck ama nacalad”.

Garcia Coll oo ka mid ah maamulka Real Madrid oo fadhiyay keydka ayaa isku dayay inuu dajiyo Ronaldo wuxuuna ku yiri “Isdaji…… isdaji”.

Ronaldo sidaas kuma dagin laakiin wuxuu adeegsaday hadalo aflagaado ah, caawiyayaasha ayaana ku ekaaday kaliya inay dhagta uun ka maqlaan fal celinta Ronaldo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close