MUUQAAL: Neymar oo ka ooysiiyay taageere ka soo hor-jeeda

neymar

(Spain) 25 Sebt 2016. Xiddiga reer Brazil Neymar ayaa ka oohiyay taageere ka soo hor-jeeda kulankii ay shalay Barca 5-0 uga adkaatay naadiga Sporting Gijon kaddib markii uu guddoonsiiyay maaliyadiisa.

Markii uu kulanka idlaaday Neymar ayaa soo aaday dhanka taageerayaasha Sporting Gijon isagoona maaliyadiisa guddoonsiiyay taageere si wayn ugu ja-jabnaa.

Taageerahii helay maaliyada Neymar ayaa aad ula cajabay xiddiga reer Brazil isagoona xabadka galiyay Neymar.

Taageeraha aan kaligii cunaha ahayn ayaa intaa kaddib maaliyadii uu ka helay Neymar siyay mid kale oo dhinac joogay kaa oo markii uu helay maaliyada ooyin jabsaday.

MUUQAAL:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close