Luciano Spalletti oo si caro leh uga hadlay guul daradii soo gaartay galabta

لوتشيانو سباليتي مدرب روما سيري آ

(Roma) 25 Sebt 2016 Tababaraha kooxda Roma ee Luciano Spalletti ayaa si caro leh uga hadlay guul daradii galabta soo gaartay kooxdiisa markaas oo loogu awood sheegtay 3-1.

Luciano Spalletti ayaa sheegay in kooxdiisu ay hilmaantay difaaca isla markaana ay xooga saareen kaliya weerarka sida uu hadalka u dhigay.

Torino ayaa cashir lama ilaawaan ah u dhigtay Roma kadib markii ay ku lagaday 3-1 taas oo lama filaan ku noqotay tababaraha xamaasada badan ee Luciano Spalletti.

“Waxaan inbadan u dhaqaaqnay dhanka weerarka, waxaan ka tagnay difaaceena oo qaawan, waxaan iska khasaarinay fursado badan” ayuu yiri tababare Spalletti.

“Marka aan fiirino kooxda, waxaa soo baxaya waqtiyo aan fiicnayn iyo waqtiyo aan hoosaynay, madaxeena ayaan hoos aadinaynay marka aan la kulano waqtiyada adag, xamaasadeenu hoos ayeey u dhacaysay, ma aanaan helin caqligii aan ku soo saari lahayn tayadeena”.

Luciano Spalletti ayaana caro ka muujiyay qaab ciyaareedkii kooxdiisu ay soo bandhigtay kulankii galabta, waxayna haatan 5 dhibic ka hooseeyaan kooxda Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close