Dekedda oo taako loo dhigay kullankii ugu horeeyay koobka Janeraal Daa’uud

img_9630-640x336

(Muqdisho) 25 Sebt 2016.Garoonka Koonis degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir waxaa galabta ka furmay koobka xiisaha badan ee Janeraal Daa’uud, iyadoo kullankii furitaanka ay wada ciyaareen kooxaha Dekedda iyo Muqdisho United.

Ciyaarta ayaa aheyd mid aad u xiiso badan, waxaana usoo daawasho tagay taageerayaal aad u fara badan, iyadoo waqtigii loogu tala galay kusoo dhamaatay 0-0.

Kooxda Dekedda ayaa galabta ciyaartay kullankeedii ugu horeeyay koobka Janeraal Daa’uud tan iyo 2002-dii oo ay xiiligaas ka qaaday naadiga Elman.

Nasiib  uma yeelanDekedda in ay mar kale ciyaarto maxaa yeelay waxaa hakad ku yimid tartankani, iyadoo dib usoo nooleyntiisa aana lagu arag kooxdan, xilli sannado dhowr ah la qabtay.

Sikastaba ciyaartii galabta ayaa kusoo dhamaatay 0-0, taasoo ka dhigan in kullankii ugu horeeyay sanadkaan koobka Janeraal Daa’uu, bar baro loo diiwaan galiyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close