SERIE A: Kooxda Juventus oo hoggaanka horyaalka adkeysatay kaddib guul dahabi ah oo ay ka soo gaartay Palermo… + SAWIRRO

(Palermo) 24 Sebt 2016 – Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa adkeysatay hoggaanka horyaalka Serie A, kaddib markii ay guul dahabi ah ka soo gaaray naadiga Palermo oo ay marti ahayd.

Kulankan oo ahaa mid adag ayey labada kooxood fursado goolal loo filan karay isku heleen qeybta hore, laakiin ma jirin koox ka faa’iidaysatay oo gool dhalisay, waxaana lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Juventus ayaa haleeshay inay hoggaanka u qabato ciyaarta, waxaana karoos uu soo dhigay Daniel Alves si kama ah own goal uga dhaliyey kooxdiisa Edoardo Goldaniga ciyaarta ayaana noqotay 1-0 ay ku gacan sarreysay Juve.

Goolkaas iska dhaliska ah ayaa guul ugu filnaaday Juventus kulankii ka dhacay garoonka Stadio Renzo Barbera ayaana ku soo dhammaaday 1-0 ay guul ku soo gaartay Marwada duqda ah.

Juventus ayaa sidaas hoggaanka horyaalka Talyaaniga ugu qabatay 15-dhibcood, waxaana ku soo xigta Napoli oo kulan u harsan caawana la ciyaaraysa ChievoVerona, taasoo leh 11-dhibcood.

SAWIRRO:

ctij1hixeaelhej

ctiqohtwgaab5hi

ctiqohtwyaao_wt

ctiqohyxyaa9cn

ctiy4efxgaubqcc

GOOL FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close