LA LIGA: Kooxda Real Madrid oo barbaro kala soo kulantay Las Palmas oo ay booqatay… + Sawirro

(Las Palmas) 24 Sebt 2016 – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhibco lumisay kaddib barbaro 2-2 la soo gashay naadiga Las Palmas oo ay booqdeen, waxaana ay hal dhibcood kooxda Barcelona kaga qabteen hoggaanka horyaalka La Ligaha Spain.

Real Madrid ayaa goolka la horreysay waxaana 33’daqiiqo u dhaliyey Marco Asensio, kaddib markii kubbad uu goolhayuhu soo tufay uu madax ku dhammaystiray, laakiin markiiba Real Madrid ayaa barbaro kala kulantay  Las Palmas, waxaana 38’daqiiqo ka dhaliyey Tana, kulanka ayaana lagu kala nastay barbaro 1-1.

Qeybtii labaad ee kulanka markii dib la isugu soo laabtay Real Madrid ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana kubbad uu goolhayuhu ka soo bixiyey Ronaldo dhammaystiray 67’ daqiiqo Karim Benzema, kaasoo 2-1 ka dhigay natiijada kulanka.

Waqtiga ciyaarta loogu tala galay oo ay ka harsan tahay shan daqiiqo oo qura ayaa la barbareeyey kooxda Real Madrid, waxaana ugu shubay kubbad uu shabaqa la galayna dhaliyey Sergio Ezequiel Araujo, kulanka ayaana ku soo dhammaaday gar isku mid ah barbaro 2-2.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay hal dhibic oo qura hoggaanka kaga qabatay Barcelona, iyadoo Real Madrid ay leedahay 14-dhibcood, halka Barcelona ay leedahay 13-dhibcood.

SAWIRRO:

ctji6-zxyaqaj2j

ctji8c0weaef9tr

ctjjdmywcaaqzst

ctjo5izwyai8_w7

ctjsaizwyaae1rj

GOOL FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close