XOG: Howe oo lagu wado in uu badalo Wenger

hd-arsene-wenger-arsenal_ogl0y6sa7uju15llky7g5mjwe

(London) 23 sebt 2016. Arsenal waxa ay Eddie Hawe la rabtaa in uu noqdo tababaraheeda marka uu Arsene Wenger kooxda ka taga gaba gabada lolahan, sidaas waxaa qortay Daily Star.

Warka ayaa sheegaya in Wenger oo u dabaal dagay sanad guuradiisii 20-naad tan iyo markii loo magacaabay xilka tababarenimo ee Arsenal khamiistii in uu ka tagayo Gunners marka uu qandaraaskiisa idlaado xagaaga dambe.

Waxaa la fahansan yahay in milkiileyaasha kooxda ay diiradda saarteen tababaraha Bournemouth Howe.

Howe oo ay da’diisu tahay 38 sano ayaa ka mida tababareyaasha da’da yar kuwooda ugu wanaagsan kaddib markii uu ka shaqeeyey in kooxdaas uu u soo dalacsiiyo heerka kowaad halka uu ka bad baadiyey dib in ay ugu laabato kal hore.

eddie-howe-hd_coon1e7k0qoa19qq8hnlxqldm

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close