Ranieri: Boos ugama banaana “Horyaal” Rooney kooxdeyda Leicester City

waynerooney-cropped_12t7j9buhhhbx1vpok96gglpq4

(Manchester) 23 sebt 2016. Tababaraha Leicester City Claudio Ranieri ayaa amaanay kabtanka Manchester United Weyne Rooney laakiin waxa uu dareensan yahay in uusan boos uga banaaneyn kooxdiisa.

Bandhigyada Rooney ayaa la dhaleeceeyey kaddib markii kooxda Jose Mourinho ay guul darreysteen saddex kulan oo xiriir ah oo soo dhamaatay kulankii ay 3-1 uga badiyeen Northampton Town.

Yeelkeede, Ranieri amaan ayuu ugu qubeeyey kahor is aragooda Premier League.

Walise, tababaraha reer Italia waxa uu cadeeyey in uu ka door bidayo kuwiisa marka ay timaado Rooney.

“Waa ciyaaryahan cajiib ah. Waa horyaal,” ayuu wariyeyaasha u sheegay Ranieri. “Laakiin waan jeclahay ciyaaryahanadeyda qofna ku badalan maayo ciyaaryahanadeyda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay waxaana qabnaa in aan olole wanaagsan yeelan doono.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close