‘Ma nihin Weyne Rooney’, Jose Mourinho oo u jawaabay kuwa dhalleeceeya kabtankiisa

38b86e8000000578-0-image-m-5_1474637146641

(Manchester) 23 sebt 2016. Jose Mourinho ayaa sheegay in Weyne Rooney aysan ahayn in lagu eedeeyo dhibaatooyinka Manchester United.

Tababaraha United waxa uu u jawaanayey kuwa eeda guul  darrooyinkii Old Trafford dusha u saariyey kabtan kooxda.

Rooney gool ma uusan dhalin tan  iyo kulankii ugu horreeyey ee ololahan waxa uuna u muuqday mid ku lunsan dhexda iyo duullaanka United.

38a9be7800000578-3804072-image-a-3_1474636729564

Laakiin Mourinho oo saxaafadda la hadlayey kahor kulanka berry waxa uu yiri: “Waxaan nahay koox, ma nihin Weyne Rooney.

“Si wanaagsan ayaan kuwada bilownay, afar kulan ayaan badinay, waxaan wada guul darreeysanay saddex kulan muddo toddobaad ah, markaa aha Weyne Rooney oo kaliya.

“Daacaddii ma uusan dheelin kulankii Feyenoord, markaa waxa uu qeyb ka ahaa laba kulan oo qura.

“Bilow aad u wanaagsan ayaan lahayn, ka wanaagsan sidii aan fileynay ama u diyaasaneyn, waxaan qalad ku leenhay in aan filo aad u sarreeya ka yeelanay dadka kaddib waxaan lumiyey saddex kulan oo xiriir ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close