Lionel Messi oo u mahad celiyey Borussia Monchenglabach

lionelmessi-cropped_1g38shyx0qcgx1bcfziers4vuq

(Catalonia) 23 sebt 2016. Lionel Messi ayaa bartiisa Facebook uga mahadceliyey kooxda Borussia Monchenglabach oo ay Champions League isku aadan yihiin kuwaas oo kheyr badan u rajeeyey.

Messi ayaa garoomada uga maqnaan doona saddex toddobaad dhaawac gumaarka ka soo gaaray kulankii ay 1-1 la galeen Atletico Madrid arbacadii.

Maqnaanshaha Messi ayaa la micne ah in Borussia Monchenglabach ay si lama filaan ah uga badin karto Barcelona marka ay ku soo booqdaan gegida Borussia Park.

Hase ahaateem dhinaca Bundesliga ayaa ka niyad jabtay in Messi uunsan sharfi doonin garoonkooda waxa ayna Twitter-kooda ku soo qoreen: “Nasiib xumo! Waan jeclaan lahayn in aan ku aragno arbacada adoo la jira Barcelona gegida Borussia Park. Soo caafimaad, Lionel Messi.”

Twitter-ka English-ka ah ee kooxda ayaa intaa raaciyey: “Waa ceeb in aynaan ku arki doonin Leo Messi Borussia Park. Marka ay Barcelona soo booqato.”

Messia isna waxa uu beegsaday baraha bulshada gaar ahaan Facebook isaga oo ballan qaaday

Waxa uu qoray: “Mahadbadan ha ka  gaarto Borussia Monchenglabch  fariinta iyo taageerada ay ii muujiyeen! Xaqiiqdii waa dareen wanaagsan oo kooxda ka timo.


“Dabcan waxaan rabaa in aan u mahadceliyo qof walba oo wanaagsan ii rajeeyey. Hada waxaan u baahan doonaa in aan nasto malamaha iyo toddobaadyada soo socda kahor inta anoo sidan ka xoogan soo laaban. HAB IGA HOOYA dhamaan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close