Lionel Messi oo la shaaciyey mudada uu garoomada ka maqnaan doono kaddib dhaawacii xalay soo gaaray kulankii Atletico

messi

(Barcelona) 22 Sebt 2016 – Waxaa la shaaciyey in Lionel Messi uu garoomada ka maqnaan doono muddo saddex usbuuc ah, kaddib markii uu dhaawac gumaarka ah soo gaaray kulankii xalay kooxdiisa Barcelona barbaro 1-1 la dhaafi waysay Atletico Madrid ee La Ligaha Spain.

Weeraryahanka reer Argentina ee Lionel Messi ayaa la bedelay daqiiqaddii 59-aad ee qeybtii labaad kaddib markii uu jilaafo xun kala kulmay Diego Godin, waxaana lagu bedelay Arda Turan.

Inkastoo Messi lagu qasbay inuu dhaawac gumaarka ah ku seego kulankii isreeb-reebka Koobka adduunka 2018 oo uu xulkiisa Argentina la dheelay horraantii bishaan xulka Venezuela ayaa haddana ciyaaray dhammaan shantii kulan ee horyaalka La Ligaha Spain oo ay ciyaartay kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Messi waxa uu seegi doonaa kulamo ay ka mid yihiin Borussia Monchengladbach oo ay Champions League kula ciyaarayaan, Sporting Gijon iyo Celta Vigo oo ay La Liga kula kula ballansan yihiin iyo kulammada isreeb-reebka Koobka Adduunka 2018 ee xulkiisa uu la dheelayo Peru iyo Paraguay.

Xiddiga reer Argentina ee Messi ayaa ku soo laaban kara kooxda Barcelona kulanka Champions League ee ay 19-ka bisha October la ciyaarayaan kooxda Manchester City ee waddanka Ingiriiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close