Borussia Mönchengladbach oo fariin cajiib ah u dirtay Messi kadib dhaawicii soo gaaray

(Monchengladbach) 22 Sebt 2016 Kooxda reer Jarmal ee Borussia Mönchengladbach ayaa ka xumaatay dhaawicii soo gaaray xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi.

Borussia Mönchengladbach ayaa ku haminaysay in Messi uu ku ciyaari doono garoonkooda arbacada nagu soo aadan markaas oo ay marti qaadi doonaan Barcelona wareega guruubyada ee Champions League.

Balse nasiib xumo, Messi ayaa xalay dhaawac looga saaray kulankii Atletico Madrid, baaritaan kadib kooxda ayaa shaacisay inuu garoomada ka maqnaan doono mudo dhan 3 isbuuc taas oo ka dhigan inuu seegi doono kulanka Borussia Mönchengladbach.

Bogga rasmiga ah ee kooxda Borussia Mönchengladbach ee Twitter-ka ayaa lagu soo qoray:

“Khasaaro aad u xun, waxaan jeclayn inaan arbacada kugu aragno halkaan Borussia-Park adiga iyo Barcelona, caafimaad dag dag ah, Lionel Messi”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close