Man City oo dooneysa inay ka faa’iideysato shakiga soo wajahay mustaqbalka  Hector Bellerin

belarin

(Manchester) 21 Sebt 2016.  Manchester City ayaa rajeynaysa inay Arsenal ka soo duufsato Hector Bellerin xilli uu sii kordhayo shakiga laga qabo mustaqbalkiisa sida ay qortay The Mirror.

Daafaca garabka midig ayaa Gunners kula jooga heshiis ku eg ilaa June 2019, Laakiin Arsenal ayaa 18-kii bilood ee la soo dhaafay u ballan qaadeysay heshiis cusub oo ku aadan bandhigyadiisa ifaya.

Image result for Hector Bellerin and Guardiola

Hasayeeshee, labada dhinac ayaan weli gaarin wax heshiis ah waxaana hakat galay wada hadalada labada dhinac.

Man City ayaa rajeynaysa inay ka faa’iideysato xaaladaas, Guardiola ayaana taageero u ah daafaca reer Spain halka sidoo kale la sheegayo in Barcelona ay dhankeeda ka xiiseynayso daafacan.

Mirror ayaa intaa ku dartay in saraakiisha Gunners ay durba la xiriireen agaasimaha kubbada cagta ee Man City ninka lagu magacaabo Txiki Begiristain si ay ugu adkeystaan inuusan beec ka ahayn Bellerin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close