HOR DHAC: Barcelona Vs. Atletico Madrid

barcelona-vs-atletico-madrid-match-preview-and-prediction-21-september-2016-spanish-la-liga

(Catalonia) 21 sebt 2016. Kulanka ugu adage e La Liga ayaa caawa u dhexeyn doona Barcelona iyo Atletico Madrid.

Barcelona oo marti loo yahay ayaa kaalinta saddexaad uga jirta horyaalka ay difaacaneyso halka Atleti aysan si wanaagsan ololahan ku bilaabin.

WARARKA LABADA NAADI

-Barcelona waxa ay xaqiijiyey in Samuel Umtiti uu dhaawac ku seegi doono kulankan, taas waxa ay ka dhigan tahay in Javier Mascherano uu wehelin doono Gerard Pique

– Sergi Roberto waxa uu ka soo muuqan doona dambeedka middig halka Sergio Busquets uu diyaar kulankan u yahay

-Is badal ballaaran lagama filayo dhinaca Diego Simeone

LA SOCO

-Atletico Madrid 8 ka mida 10kii kulan ee ugu dambeeyey shabaqeeda lama soo taaban

-Barcelona wey badisay 8 ka mida 9kii kulan ee La Liga ugu dambeeyey

-Barcelona lagama badin 15-kii kulan ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada marka a Atletico Madrid kula dheesho gurigeeda

SAFAFKA LA FILI KARO

 Gegida: Camp Nou

Saacadda Geeska Africa: 11PM

Dhex dhexaadiyaha:David Fernandez

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close