Wayne Rooney oo laga saarayo safka hore ee Man Untited

ww

(Manchester) 20 Sebt 2016. Sida ay sheegeyso jariiradda afka dheer ee The Sun in kabtanka Man United Wayne Rooney laga saari doono safka hore ee Man United isla markaana loo dhigi doono keydka.

Kaddib bandhigyadiisii liitay waxaa lagu wadaa in Rooney keydka la dhigo kulanka sabtida ay Man United la yeelan doonto kooxda xafidaneysa Premier League ee Leicester City.

Wayne Rooney is set to be axed for this seasons clash with Leicester

Intaa oo kaliya sheekada kuma eka oo cod bixin la qaaday ayay taageerayaasha Man United 99% doonayaan in safka hore laga saaro xiddiga reer England iyadoo xitaa qaarkood ay soo jeediyeen inuuba isaga fariisto ciyaaraha.

Jose Mourinho ayaa dhanka kale waxaa u yaala dagaal ay tahay inuu ka guuleysto qolka dher badelashada Man United kaddib hadaladiisii aadka u kululaa kaddib guul daradii 3-1 ay kala kulmeen kooxda Watford.

Qaar ka mid ah xiddigaha safka hore ee Red Devils sida Luke Shaw ayaa aad ula amakaagay waxa ka soo baxaya afka Jose kaddib guul daradii dhawayd.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close