SERIE A: AC Milan oo saldhigatay kaalinta saddexaad ee horyaalka, kaddib guul ay ka gaartay kooxda Lazio… + SAWIRRO

(Milano) 21 Sebt 2016 – Kooxda kubadda cagta AC Milan ee Waddanka Talyaaniga ayaa salka la heshay kaalinta saddexaad ee horyaalka Serie A, kaddib guul dahabi ah oo ay ka gaartay Lazio oo marti ahayd.

Carlos Bacca ayaa goolka hore u daah rogay Milan 37’daqiiqo sidaas ayaana lagu kala nastay qeybtii koowaad ee ciyaarta Milan oo hoggaanka ku haysa 1-0.

Qeybtii labaad markii ay dib u bilaabatay ciyaarta Milan ayaa heshay goolka labaad ee kulanka waxaana 74′ daqiiqo gool ku laad u dhaliyey Mbaye Niang, ciyaarta ayaana waqtigii loogu tala galay ku soo dhammaatay 2-0 ay ku adkaatay Milan.

Kooxda AC Milan sidaasi waxa ay ku soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka Serie A, iyadoo leh 9-dhibcood, halka Lazio ay ku jirto kaalinta lixaad ayna leedahay 7-dhibcood.

SAWIRRO:

cs0jv9xxeaa_3hh

cs0ncu2wgaapoqi

cs0noffwiaaauke

cs0qagyw8aqutsc

cs0qcviwgaebaea

cs0qejjxyag-9cw

cs0vavuwyaerznb

cs0yzqvwgaa77me

cs09wjzwiae4b8x

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close