Man United oo iska iibinaysa difaaceeda Phil Jones, xilli la la xiriirinayo labo ka mid ah kooxaha waa wayn ee Premier League

jones

(Manchester) 20 Sebt 2016 –   Difaaca xulka qaranka England ee Phil Jones ayaa la filayaa inuu dib uga soo laabto dhaawac jilibka ah bisha soo socota, laakiin kooxdiisa Man United ayaa wali isku diyaarinaysa inay iska iibiso bisha Janaayo.

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa ka fikiraya inay dalab ku aaddan Phil Jones u gudbiyaan Manchester United, sida ay warinayso jariiradda The Sun.

Jones oo 24-sano jir ah ayaa dhaawac jilibka ah garoomada uga maqnaa, isagoo aan wali kooxda Man United u  ciyaarin tan iyo markii uu tababare u noqday Jose Mourinho, inkastoo la filayo inuu garoomada dib ugu soo laabto bartamaha bisha October.

Wali macallin Mourinho ayaa doonaya inuu iibiyo difacaan todobaadkii qaata 110,000 oo gini, isla markaana uu maal geliyo lacagta difaacan.

Arsenal, kuwaasoo dhibaato ka qaba xaga daafac sababo dhaawac soo gaaray Per Mertesacker iyo Gabriel Paulista ayaa u kuurgalaya xaaladda xiddigan, waxaan la filayaa inay ka gudbiyaan dalab 10 milyan oo gini ah, halka Liverpool ay sidoo kale xiisayneyso xiddiga reer England.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close