Roberto Firmino oo dib ugu soo laabtay Liverpool ka hor kulanka Derby County

(Liverpool) 19 Sebt 2016 Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in Roberto Firmino uu dib ugu soo laabtay kooxdiisa ka hor kulanka habeen dambe ee Derby County.

Roberto Firmino ayaa dhaawac ku seegay kulankii jimcihii ay Liverpool 2-1 uga adkaatay kooxda Chelsea, markaas oo tababare Klopp uu u fariisiyay taxadar dartiis.

Laacibka ayaa haatan dib ugu soo laabtay tababarka, Klopp ayaana xaqiijiyay inuu taam u yahay kulanka habeen dambe ay u safri doonaan kooxda Derby County wareega 3-aad ee koobka League Cup-ka.

BURTON-UPON-TRENT, ENGLAND - Tuesday, August 23, 2016: Liverpool's manager Jürgen Klopp after the 5-0 victory over Burton Albion during the Football League Cup 2nd Round match at the Pirelli Stadium. (Pic by David Rawcliffe/Propaganda)

“Roberto waa uu tababartay, shalay ayaan hubinay xaaladiisa sidoo kale maantana waan hubinay xaalkiisa” ayuu u sheegay saxaafada ka hor kulanka Derby.

“Waa uu ciyaari karay kulankii Chelsea, laakiin kalimada taxadar ayaan in badan maqlay sidaas darteed waxaan iri “Maya”.

“Waxaan dhahnay aan siino 3 maalin oo nasiino ah kadib wax walba waa ay hagaagayaan, maanta waa maalintii 4-aad, sidaas darteed waa uu ciyaarayaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close