Ranieri: “Taageerayaasha Leicester waa inay si diirran u soo dhoweeyaan N’Golo Kante”

ngolo-kante-chelsea_3782639

(Leicester), 19 Sebt 2016   –Macallinka kooxda Leicester City ee Waddanka Ingiriiska, Claudio Ranieri ayaa ugu baaqay taageerayaasha kooxdiisa in ay si diirran u soo dhoweeyaan xidiggoodii hore ee N’Golo Kante marka uu berri dib ugu soo laabto garoonkiisii hore kulanka League Cup-ka ee ay Chelsea martida tahay.

Kante oo ka mid ahaa xiddigihii Leicester u horseeday hanashada Horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa 32 Milyan oo Giniga Istarliinka ah waxa uu ugu wareegay kooxda Chelsea xagaagan.

“Waxaan siin doonaa soo dhoweyn aad u diirran marka uu Kante dib noogu soo laabto, waxaana hubaa in taageerayaasheennuna ay uga mahad celin doonaan wixii uu u qabtay xilli ciyaareedkii hore si kalgacal lehna u soo dhoweyn doonaan” ayuu yiri Ranieri.

“Waa in ay gartaan marka koox weyni timaaddo in ay adag tahay inaad tiraahdo Maya, sababtaa awgeed, ayaan u leeyahay mahadsanidiin Jamie Vardy iyo qoyskiisa iyo sidoo kale Riyad Mahrez maadaama ay go’aansadeen in ay halkan sii joogaan” ayuu sii raaciyay Ranieri.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close