“Mourinho fursad iguma siin Chelsea” – Papy Djilobodji oo ka hadlay waayihiisii Blues

The Senegal international played just a few seconds during his time in west London

(London) 19 Sebt 2016 Daafaca reer Senegal ee Papy Djilobodji ayaa ka hadlay waayihii uu ku qaatay kooxda Blues oo keydka uun uu u fadhiyay waqtigii uu la joogay.

Papy Djilobodji ayaa suuqii xaggaaga ku biiray kooxda Sunderland, markaas oo uu soo dhamaystay amaah 6-bilood ah oo uu ugu wareegay bishii janaayo kooxda Werder Bremen ee dalka jarmalka.

27 jirka reer Senegal ayaa sheegay in wax walba oo karaankiisa ah uu sameeyay si uu boos uga helo kooxda Chelsea balse tababare Mourinho uu u diiday inuu ciyaarsiiyo.

Papy Djiloboji attempts to tackle Harry Kane during Sunderland's defeat by Tottenham

“Marwalba waxaan iraahdaa waxaan doonayaa inaan u ciyaaro koox wayn, Chelsea waa mid kamid ah kooxahaas” ayuu yiri daafaca Sunderland ee Papy Djilobodji.

“Waxaan sameeyay wax walba oo la doonayay inaan sameeyo, si adag ayaan u qaadanayay tababarka, waxaan soo muujiyay inaan ahay dooq la ciyaarsiin karo, laakiin marnaba fursad layma siin, tababaruhu (Mourinho) marnaba ima ciyaarsiin”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close