Kalidou Koulibaly oo heshiis dheer oo 5 sano ah u saxiixay kooxdiisa Napoli

csuhvcpxyaax3jz

(Napoli), 19 Sebt  2016    –Xidigga Daafaca uga ciyaara kooxda Napoli, Kalidou Koulibaly oo ay u gacan haatinaysay kooxda Chelsea ayaa heshiis dheer oo 5 sanadood ah u kordhiyay naadigiisa Napoli, kaas oo uu kooxda kula sii joogayo illaa 2021.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan 20 Milyan oo Euro u gaartay Koulibaly iyadoo misna ka sii kordhisay oo gaarsiisay illaa 50 Milyan, waana middaas tan keentay in Koulibaly uu codsado in qandaraaska loo kordhiyo ama loo ogolaado in uu fursaddaasi ka faa’iideysto.

Koulibaly oo u dhashay Senegal ayaa waxaa haatan madixiisa ay Napoli dul dhigtay 70 Milyan oo Euro oo ay tahay in ay bixiso kooxdii doonaysa xilli ciyaareedka soo socda.

Guddoomiyaha kooxda Napoli De Laurentiis ayaa boggiisa Twitter-ka ku soo bandhigay warkan farxadda u leh taageerayaasha Napoli isagoo u hambalyeeyay Koulibaly.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close