Jaceylka Walaaltinimo: Orodyahan Walaalkiis oo sii dhacaya garab qabtay una qal qaaliyay kaalinta 2-aad

_91296149_collapse

(Mexico City), 19 Sebt 2016    –Orodyahan Jonny Brownlee oo u dhashay Ingiriiska ayaa isagoo hoggaaminaya Orodkii ‘Triathlon World Series’ ee Mexico waxaa uu dareemay daal fara badan iyo tabar darri, maadaama cad ceeddu aad u kululeyd waxaana uu ku sii dhacayay dhulka haddii uusan heleen cid caawisa.

Orodyahan Alistair oo ku jiray kaalinta 3-aad ayaa arkay walaalkiis oo sii dhacaya waxaana labada walaalo u dhexeeyay Orodyahan Henri Schoeman oo u tartamayay South Africa, waxaana ciyaaryahan Alistair uu garabka qabtay walaalkiis isagoo la cararay illaa ay ka gaareen diilinta ugu dambeysa.

Balse waxaa la yaab leh in Alistair oo 28 jir ah uu walaalkiis ku tuuray xariiqinta dhammaadka iyadoo taasi macneheedu yahay in kan la tuuray ee Jonny uu galay kaalinta 2-aad, Alistair-na uu galay kaalinta 3-aad halka Henri Schoeman uu meel cidla ah ka helay kaalinta 1-aad.

Jonny waxa uu billad qalin ah ka helay Tartankii orodada Rio 2016, halka sidoo kalena billad maar ah uu ka qaatay Olombikadii 2012, balse nasiib darro markan kolkii uu soo gaaray Xariiqinta ugu dambeysa waxa uu ku dhacay dhulka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close