Goorma ayaa la filayaa in Luis Enrique uu heshiis cusub qalinka ugu duugo Barcelona?

Enrique

(Barcelona) 19 Sebt 2016 Barcelona ayaa rajo badan ka leh heshiis kordhinta tababaraheeda reer Spain ee Luis Enrique kaas oo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kan.

Luis Enrique qudhiisa ayaa dhawr jeer ka gaabsaday ka hadalka wararka la xiriira mustaqbalkiisa sida uu baahiyay wargayska Sport.

Laakiin madaxwayne ku xigeenka Barcelona ayaa sheegay inay suuro galtahay in Enrique uu qalinka ku duugo heshiis cusub January ama February ee 2017.

Enrique

Madaxwayne ku xigeenka ayaa intaa ku daray in kooxdu ay go’aansatay inay waqti ku filan siiso tababare Luis Enrique si uu u gaaro go’aan fiican.

“Heshiis kodhinta Luis Enrique? Waxaa haboon in Enrique aan siino waqti, sifiican ayaan u garanayaa tan iyo markii uu katagay Celta Vigo, wuxuu gaari doonaa go’aan haboon” ayuu yiri madaxwayne ku xigeenka Barca.

“Haatan ma ahan waqti ku haboon ka hadalka heshiis kordhinta tababaraha, isagu muhiimad ma siinayo, lagayaabee January iyo February inuu noqdo waqtiga ku haboon bilaabida wadahadalada”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close