Franck Ribery oo soo barbareeyay rikoor uu horay u dhigay Moller

Image result for Franck Ribery vs Ingolstadt

(Munich) 19 Sebt 2016 Laacibka kooxda Bayern Munich ee Franck Ribery ayaa soo barbareeyay rikoor uu horay u dhigay halyeeygii Borussia Dortmund ee Andreas Moller.

Bayern Munich ayaa 3-1 uga adkaatay isbuucaan kooxda Ingolstadt oo marti u ahayd markaas oo Ribery uu caawiyay dhamaan seddexda gool ee kooxdiisa.

Ribery ayaa sidaas ku soo barbareeyay rikoor uu horay u dhigay Andreas Moller kaas oo caawiyay 109 gool horyaalka jarmalka sida ay baahisay shabakada TZ ee dalkaas.

Ribery ayeey ku qaadatay 109 caawin inuu ka sameeyo horyaalka jarmalka 209 kulan oo Bundesliga ah, halka Moller ay ku qaadatay 428 kulan.

Moller ayaa u soo ciyaaray kooxaha Eintracht Frankfurt, Borussia Dortmund iyo schalke04.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close