Claudio Bravo oo sharaxaad ka bixiyay sababtii uu uga tagay Barcelona

Bravo admits his reasons for leaving Barcelona for Man City

(Manchester) 19 Sebt 2016 Goolhayaha cusub ee kooxda Man City Claudio Bravo ayaa sharaxaad ka bixiyay sababtii uu uga tagay kooxdiisii hore ee Barcelona.

Bravo ayaa sheegay in Ter Stegen dartiis uu uga tagay kooxdiisii hore ee Barcelona maadama uu ka cararayay inuu keydka fariisto.

Goolhayaha reer Chile ayaa intaa ku daray inuusan marnaba ku qanacsanayn inuu keyd ka galo Barcelona taasna ay keentay inuu go’aansado ku biirida kooxda Man City.

Bravo

“Waxaan ugatagay Barcelona waayo waxay haystaan Ter Stegen, waxaan ahaa mid run badan, ma doonayn inaan fariisto kursiga keydka” ayuu u sheegay idaacada Cadena Ser.

“Xiligaygii Barcelona waxaan naftayda u huray inaan sameeyo wax fiican, marwalbana waxaan dareemayay inaan garab ka helayo kooxda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close