Cesc Fabregas oo jecel in Chelsea uu u ciyaaro wax kabadan 100 kulan

Image result for cesc fabregas vs liverpool

(London) 19 Sebt 2016 Laacibka qadka dhexe ee kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in Blues uu u safto 100 kulan iyo wax kabadan.

Xiddiga reer Spain ayaa u saftay kooxdiisa Chelsea kulankiisii 100-aad jimcihii markaas oo guul daro 2-1 ah ay ka soo gaartay Liverpool.

Mustaqbalka kabtankii hore ee Arsenal ayaan la hubin, waxaana jira warar sheegaya in laacibku uu u dhaqaaqi doono horyaalka talyaaniga bisha janaayo.

“Waxay ii ahayd sharaf wayn inaan u ciyaaro 100 kulan kooxdaan wayn, waxaan rajaynayaa inaan u ciyaaro wax kabadan 100-kulan laga bilaabo barri” ayuu ku soo qoray Boggiisa Twitter-ka.

Chelsea ayaa habeen dambe u safri doonta kooxda Leicester City kulan ka tirsan wareega 3-aad ee koobka League Cup-ka ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close