Tababaraha xulka Spain ee Julen Lopetegui oo ka hadlay kulamada talyaaniga iyo Albania

Image result for julen lopetegui spain

(Madrid) 16 Sebt 2016 Tababaraha xulka Spain ee Julen Lopetegui ayaa ka hadlay kulamada isreeb reebka koobka aduunka ee 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka.

Julen Lopetegui oo ku cusub kursiga xulka Spain ayaa doonaya inuu xili hore u soo saaro xulkiisa koobka aduunka ee 2018.

Xulka Spain ayaa la ciyaari doona xulalka talyaaniga iyo Albania, tababare Julen Lopetegui ayaana sheegay in kulamadaas ay yihiin kuwo aad u adag.

“Isreeb reebku wali waa bilow, kulamada soo socda waa kuwo adag (Talyaaniga iyo Albania)” ayuu u sheegay saxaafada.

Julen Lopetegui ayaa sheegay in kulanka uu xulkiisu laciyaari doono xulka talyaaniga uu yahay mid aad u adag, waxaana xusid mudan in guruubkaas uu xulka Spain ku hogaaminayo gool dhalin.

Dhanka kale tababaraha ayaa xaqiijiyay in Iker Casillas uu dib ugu soo laaban karo xulka Spain haddii uu doono.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close