BASKII siday ciyaartoyda Man United oo shil ku galay garoonka Feyenoord

bas

(Holland) 16 Sebt 2016. Baska kooxda Man United ayaa la warinayaa inuu shil ku galay garoonka De Kuip ee kooxda Feyenoord ka hor kulankoodii xalay ee Europe League.

Man United oo wadata xiddigaheeda waa wayn ayaa halkaa kala soo hoyatay guul darro 1-0.

Sida uu sheegayo saxafiaga Stuart Mathieson ee ka tirsan Manchester Evening News in baska Man United uu shil ku galay garoonka kooxda reer Holland mar uu isku dayayay inuu Parking galo.

Lama garanayo inuu basku gaaray jug wayn iyo inkale laakiin waxaa la xaqiijinayaa inuu baska markaa ku jiray oo kaliya darawalkii waday.

Horaantii sanadka ayaa la xusuustaa in taageerayaasha West Ham ay dhalooyin la dhaceen baska Red Devils kulankoodii ugu dambeeyay ee  ka dhaca Upton Park iyadoo markii dambe si qurux badan loo soo dayactiray.

Manchester United's team bus was smashed by West Ham supporters in May

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close