Ronaldo oo noqday Ninka ugu taageerada badan Baraha Bulshada Caalamka

cristiano_1089706718717712361_173560420

(New York), 15 Sebt  2016    –Weeraryahanka kooxda Kubadda Cagta Real Madrid ee Waddanka Spain, Cristiano Ronaldo ayaa noqday ninka ama Labka keliya ee ugu taageerayaasha badan Baraha Bulshada (Social media) guud ahaan caalamka.

Sida ay ku warramayso ‘Apple Tree Communications’ Ronaldo ayaa taageerayaashiisa Facebook, Twitter iyo Instagram marka la isku daro waxa ay gaarayaan 238 Million oo taageere, waxaana keliya ka sarreysa oo caannimada Baraha Bulshada kaga magac dheer Fanaanadda Tylor Swift oo marka la isku geeyo taageerayaasheeda baraha bulshadu ay gaarayaan (246 milyan).

Katy Perry ayaa noqotay shaqsiyadda 3-aad ee ugu dadka badan Social media (219m), 4′ waxaa gashay Selena Gomez oo heysata (205 Milyan oo taageere) halka Rihanna oo noqotay kaalinta 5′ ay taageerayaasheedu dhan yihiin 190 Milyan.

Bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii Cristiano Ronaldo uu noqday ciyaaryahanka qura dunida ee ay taageerayaashiisa dhinaca Internet-ku gaareen 200 Milyan oo ruux.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close