Qiimeynta FIFA ee xulalka Adduunka oo la soo saaray, Brazil oo ku soo laabatay 5-ta sare iyo Spain oo laga saaray 10-ka sare….(Somalia oo…)

(World) 15 Sebt 2016. Waxaa la soo saaray qiimeyntii ugu dambeysay FIFA ee xulalka adduunka iyadoo uu xulka Brazil dib ugu soo laabtay 5-ta sare halka xulka Spain laga waayay liiska 10-ka sare.

Xulalka Argentina iyo Belgium ayaa koowaad iyo labaad ku kala jira  halka xulka Germany uu fadhiyo saddexaad waxaana afaraad ku jira Colombia.

Xulka yare ee Wales ee wacdaraha ka dhigay Euro 2016 oo uu markii ugu horreysay ka qeyb galay ayaa soo xirtay kaalinta 10-aad.

Xulka England ayaa kor u soo kacay hal boos iyagoo soo fariistay kaalinta 12-aad, halka xulka Talyaaniga uu hoos u dhacay saddex boos wuxuuna ku jiraa kaalinta 13-aad.

Xulkeena Soomaaliya ayaa hoos ka hogaaminaya qiimeynta xulalka wuxuuna fadhiyaa kaalinta 205 oo waxaa booskaasi la jooga xulalka Jabuuti, Eritaria, Tonga, Bahamas, Anguilla iyo Gibraltar.

EEG LIISKA 10-KA SARE:

csywdbkwiaadspf

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close