Muxuu ka yiri Mourinho guul daradii ka soo gaartay caawa kooxda Feyenoord?

(Manchester) 15 Sebt 2016 Tababaraha kooxda Man United Jose Mourinho ayaa ka hadlay guul daradii caawa ka soo gaartay kooxdiisa kooxda Feyenoord kulan ka tirsanaa wareega guruubyada ee Europa League.

Mourinho ayaa ku dooday in kooxdiisu aysan u qalmin guul daradii soo gaartay, wuxuuna sheegay in ciyaartoydii caawa u saftay kooxdiisa ay ahaayeen kuwo keydka.

Jose ayaa intaa ku daray in koox walba oo ka ciyaaraysa Europa League ay isku dayeeyso inay guul ka gaarto kooxdiisa maadama aan looga baran koobkaas.

“Dabcan ma faraxsani, waxaan guul daraysanay kulan aanaan u qalmin guul daro, waxaan isku dayeeynay guul halka iyaguna ay ka cararayeen guul daro” ayuu yiri Mourinho ciyaarta kadib.

“Marka United ay ciyaarayso Europa League, horay ayaan u ogayn in koox walba ay iskudayeeyso inay guul naga gaarto, intabadan ciyaartoyda qaar waxay ciyaarayeen kulankoodii ugu horeeyay ee xiliciyaareedka, sidaas darteed waxba kama sheegayo haatan waayo waxay ciyaareen oo kaliya daqiiqado kooban”.

“Qaab ciyaareed fiican ayaan soo bandhignay qaybtii dambe, goolka ay dhaliyeena wuxuu ahaa garab dhaaf (Offside)”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close