KURAAS badan oo ka banaaneyd garoonka Feyenoord ee dhawaan looga soo adkaaday Man United iyo sabab yaab leh oo ka dambeysa!

gar

(Holland) 15 Sebt 2016. Kuraas badan ayaa ka banaaneyd garoonka kooxda Feyenoord ciyaartii dhaweyd ay 1-0 uga adkaatay kooxda Man United kulan ka tirsanaa Europe League.

Gegada kooxda reer Holland ee De Kuip ayaa qaadkiisa ahaa 51,000 oo taageere balse iminka waa la soo dhimay oo waxaa laga dhigay qaadkiisa 30,000 sababo la xiriira in laga hortagayo qalalaase soo laab laabtay oo ay kicinayeen taageerayaashooda iyadoona sidoo kale la shaqo galiyay ilaalo dheeri ah.

Qofka daawaday ciyaartii dhawaan idlaatay ee Feynoord iyo Man United ayaa arki karay garoonka oo kuraas badan ka bannaan iyadoona lagu daboolay boosaska bannaan bacaha adag ee roobka.

Swathes of empty seats at Feyenoord's De Kuip stadium as the club are scared of any more crowd trouble

Taageerayaasha kooxda uu horkaco Giovanni van Bronckhorst ayaa ah kuwa aad u daran marka ay kooxdoodu ciyaareyso kulamada Europe League waxaana kooxda reer Holland lagu ganaaxay marar badan oo hore qalalaaso ay kiciyeen taageerayaashooda.

Kaddib kulankii ay garoonkooda guul darada ka soo gaartay kooxda reer Talyaani ee Roma bishii Feebaraayo ee 2015, UEFA ayaa ku amartay Feyenoord inay bixiyaan lacago ganaax oo dhan 50,000-euro  isla markaana ay kulamadeeda xigta ee Yurub ciyaaraan bilaa taageerayaal, labo sano ayaa lagu ganaaxay, kaddib taageerayaashooda oo waxyaabaha holca garoona ku tuuray.

Isla ganaaxaas ayaa la dul dhigay, saddex sano sababo la xiriira taageerayaashooda oo ku dhawaaqayay erayo isir-faqooq ah intii lagu guda jiray kulankaa.

Sidaa darteed, waxay ka baqanayaan in taageerayaashooda ay fowdo kale kiciyaan dabadeedna ay xiriirka Yurub kala kulmaan ganaaxyo intaa ka ballaaran, sidaa darteed waxay aad u dhintay taageerayaasha soo xaadiraya garoonkeeda kulamada Europe League iyadoona kordhisay ilaaladeeda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close