Diego Simeone oo laba sano ka dhimay heshiiskiisii kooxda Atletico Madrid

Diego Simeone

(Madrid), 15 Sebt  2016    –Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Waddanka Spain, Diego Simeone ayaa 2 sano ka dhimay heshiiskii uu kula joogay naadigaasi kaas oo ku ekaa illaa 2020′ waxaana haatan uu kooxda la joogayaa illaa 2018.

Kaddib markii kooxda Atletico ay ku guul darreysatay Final-kii Koobka Horyaallada Yurub Bishii May ayaa waxaa tababare Simeone uu go’aansaday inuu isaga tago kooxda, hase yeeshee Xoghayaha Guud ee Naadiga Atletico, Miguel Ángel Gil ayaa sheegay in uu macallinku ku bixi karay oo keliya haddii kooxaha doonaya ay bixin lahaayeen lacagta heshiiskiisa lagu jebin karo.

Kooxaha Inter iyo PSG oo iyagu doonayay Diego Simeone ayaa bixin waayay lacagtaasi faraha badan ee lagu bur burinayo heshiiska macallinkan ee Atletico, waxaana markaasi uu ku qasbanaaday in tababaruhu uu sii joogo Vincente Calderon.

Mar la weydiiyay ‘El Cholo’ Mustaqbalkiisa kooxda Atletico ayaa waxa uu sheegay in uu la sii joogi doono kooxda Atletico Madrid, hase yeeshee waxa uu xor noqon doonaa 2018 xilligaas oo koox walba oo doonaysaa aysan bixin doonin wax lacag ah oo qandaraaskiisa lagu jebinayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close