Tottenham oo wada qorshe ay ku beddelayso magaca garoonkeeda kaasoo ku kacaya Malaayiin Gini

aaaaaa-8

(London), 14 Sebt  2016     –Kooxda Kubadda Cagta Tottenham ee Waddanka Ingiriiska ayaa lagu warramayaa in ay waddo wada hadallo ku kacaya 150 Milyan oo Giniga Istarliinka ah ay kula jirto Shirkadda Maalgashiga Qatar Investment Authority (QIA), kaas oo haddii uu hirgalo ay ku beddelayso magaca garoonkeeda White Hart Lane.

Sida uu qoray wargeyska ‘The Times’ waxa ay Tottenham ku rajo weyn tahay in qorshahani hir geli doono, waxaana ay shirkado kala duwan oo maalgashi ah ay u soo bandhigtay barnaamijkan.

Sanadkii 2009 kooxda Chelsea ayaa ku guuldarreysatay isku day ay ku doonaysay in ay ku bedesho magaca garoonkeeda Stamford Bridge.

Kooxda Arsenal ayaa iyadu 2006 ku guuleysatay heshiis 15 Sanadood ah oo ku kacaya 100m oo Gini kaasoo ay ku bdeshay magicii hore ee garoonkeeda oo ay u bedeshay ‘Emirate Stadium’.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close