QORSHAHA SHIINAYSKA: Dallada cusub oo doonaysa inay AC Milan ka dhigto koox qaali ah oo dakhli badan! (Malaayiin la gelinayo)

(Beijing) 14 Sebt 2016 – Sida ku qoran dokumenti uu helay Bloomberg, heshiiska lagu iibsanayo kooxda AC Milan ayaa waxaa ku qoran inay dallada Chinese-ku ku tala jirto inay sare u qaaddo qiimaha naadiga oo kordhi doona laba jibaar ka badan.

Kooxda Milan ayaa haatan lagu iibsadey 1 bilyan oo euro, balse waxay doonayaan inay kooxda dhisaan iyadoo horay loo sheegay in 350 milyan la gelin doona sanadaha seddexda ah ee soo aaddan, balse warka uu haatan qorayo Bloomber ayaa tibaaxaya in 500 milyan la gelin doono 5-ta sano ee soo aaddan, taasoo sare u qaadi doonta dakhliga naadiga. Waxaa qorshaha sidoo kale ka mid ah dhismaha garoon cusub.

Qorshaha ayaa wuxuu yahay in marka kooxda la dhiso lagana diiwaan geliyo suuqa saamiyada Bariga Fog in qiimaha AC Milan uu gaaro 2.9 bilyan oo euro, iyadoo doonaysa inay samaysato suuq gayn la mid ah midda Real Madrid iyo Manchester United. 

Bloomberg.com ayaa intaa ku daraya in dallada Shiinuhu ay yihiin kuwo markale soo celin kara riyooyinkii taageerayaasha Rossoneri fans.

Hay’adda Sino-Europe Sports, ayaa lagu wadaa inay dhamaadka sanadkan ay si rasmi ah ula wareegto Milan, iyadoo durba soo dhiibtey lacagtii loogu tala galay suuq-jiilaalka bisha Jannaayo.

MILAN, ITALY - FEBRUARY 19: The AC Milan fans show their support before the UEFA Champions League Round of 16 match between AC Milan and Club Atletico de Madrid at Stadio Giuseppe Meazza on February 19, 2014 in Milan, Italy. (Photo by Marco Luzzani/Getty Images)
MILAN, ITALY – FEBRUARY 19: The AC Milan fans show their support before the UEFA Champions League Round of 16 match between AC Milan and Club Atletico de Madrid at Stadio Giuseppe Meazza on February 19, 2014 in Milan, Italy. (Photo by Marco Luzzani/Getty Images)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close